148 Qaxooti Soomaali ah oo Si Nabad ah uga Soo Noqday Yemen: Qaramada Midoobay

0

MUQDISHO, 12 Noofambar 2025 — Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in 148 qaxooti Soomaali ah oo horey ugu noolaa dalka Yemen ay si nabad ah ku soo gaareen magaalada Muqdisho, kaddib duulimaad ay ka soo qaadeen garoonka caalamiga ah ee Cadan, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR).

 

Duulimaadkan ayaa qayb ka ah barnaamijka Dib-u-Noqoshada Ikhtiyaariga ah ee Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen (ASR), kaas oo ay maalgelineyso dowladda Sweden, sida lagu sheegay qoraal ay UNHCR ku baahisay barteeda X (horay u ahayd Twitter).

UNHCR ayaa sheegtay in qaxootiga dib ugu laabtay dalkooda ay heli doonaan taageero dheeraad ah oo gacan ka siin doonta dib u dhiska noloshooda iyo ku dhex milanka bulshadooda.

Tani waxay noqonaysaa duulimaadkii saddexaad ee sanadkan 2025 ee ay UNHCR fuliso, tan iyo markii dib loo bilaabay barnaamijkan bishii Oktoobar ee la soo dhaafay. Laba koox oo hore ayaa sidoo kale lagu soo celiyey Soomaaliya – mid duulimaad ahaa oo siday 148 qof, iyo mid kale oo badda kusoo maray oo siday 70 qof.

Tan iyo markii la bilaabay barnaamijka dib-u-noqoshada sanaddii 2017, UNHCR waxay caawisay 8,555 qaxooti Soomaali ah inay si ammaan ah uga soo laabtaan Yemen. Keliya sanadkii hore ee 2024, waxaa soo laabtay 1,115 qof, sida ay hay’addu sheegtay.

Warbixinno hore oo Qaramada Midoobay ay soo saartay ayaa muujinaya in Yemen ay martigeliso in ka badan 61,000 qaxooti iyo magangalyo-doon, kuwaas oo intooda badan ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here