Beirut, Lebanon — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Wadamada Carabta ee Maaliyadda Guud iyo Arrimaha Miisaaniyadaha, kaas oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Beirut, caasimadda dalka Lebanon.
Shirkan oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Maaliyadda dalal badan oo Carbeed ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo maalgelin lahaa arrimaha bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka dadka nugul ee bulshada dhexdeeda.
Intii uu socday shirka, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay dood heer sare ah oo uu la lahaa dhiggiisa dalalka Lebanon, Ciraaq iyo Syria. Wuxuu si faahfaahsan uga hadlay casharrada laga baran karo Soomaaliya, maadaama ay tahay dal kasoo kabanaya colaado, isla markaana guulo muuqda ka soo hooyay dib-u-habeynta maaliyadda iyo nidaamyada maamulka dawladeed.
Wasiir Biixi ayaa soo bandhigay horumarradii ay dowladdu ka gaartay dhanka tiknoolajiyadda, gaar ahaan adeegsiga hababka casriga ah ee lagu maamulo ilaha dakhliga qaranka. Sidoo kale, waxa uu xusay in Dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo oo ku aaddan xasilloonida dhaqaalaha guud, taas oo sahashay in la gaaro guusha barnaamijka deyn-cafinta ee Hindisaha Deyn Cafinta (HIPC).
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto xoojinta maamulka maaliyadeed, isla markaana ay ka go’an tahay in maalgelinta lagu saleeyo horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.








