Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM maanta lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Qaraxa oo miinada nooca dhulka la dhigo ayaa la sheegay inuu qabsaday mid ka mid ah gawaaridii ay saarnayeen ciidamada AMISOM, waxaana qaraxa jugtiisa ay aheyd mid xoogaan oo si weyn looga maqlay deegaanada dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxa lala beegsaday kolanyada ciidamada AMISOM ayaa waxay sheegeen in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan AMISOM, islamarkaana uu gubtay gaarigii qaraxa uu qabsaday.

Sidoo kale waraxa kadib waxaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay fureen rasaas fara badan, islamarkaana ay hakad mudo kooban ah ay galiyeen isku socodka gaadiidka iyo dad weynaha isticmaala wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here