Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0
Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa sheegay in duqayn is-difaacid wadajir ah ay la beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabaab 15-kii bishan August, ayna ku dileen shan ka tirsanaa Al-Shabaab.

 

Duqayntan ayaa AFRICOM sheegtay inay ka dhacday meel u dhow Cali Heele oo 244 KM Waqooyi Bari ka xigta Muqdisho.

Duqayntan ayaa Maraykanku sheegay inay ahayd mid lagu taageerayey ciidamada dawladda Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay inaan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntan.

Duqayntan waxaa horey u baahiyey warbaahinta dawladda Soomaaliya oo sheegtay in khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here