Soomaaliya oo shirweyne caalami ah uga qayb-gashay dalka Hindiya + Sawirro

0

GANDHINAGAR (SMN) – Wasiirka ku xigeenka wasaaradda caafimaad iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Xasan Bullaale ee uu wehlinayo Danjiraha dowladda Soomaaliya u jooga dalka Hindiya Axmed Cali Daahir ayaa maanta kaga qayb galay magaalada Gandhinagar ee gobolka Gujarat kulanka G20 ee halku dhigiisu yahay “One Earth One Health.

 

Wasiirka ayaa madaxda dalalka Afrika iyo kuwa kale ee caalamka u jeediyay khudbad uu kula wadaagay xaaladda caafimaadka dalkeyna Soomaaliya iyo sida la isaga kaashan karo caafimaadka iyo haqab-tirka bulshada iyaga oo aan waajihin culeys dhaqaale.

Wasiir ku Xigeenka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale ka qayb galay daah furka shir waynaha, WHO Global Summit on Traditional Medicine iyo dhacdooyin kale oo garab socoday kulanka.

Shir-weynaha ayaa waxaa ka qayb-galaya madax iyo wafuud ka kala socota ilaa 70 waddan oo caalamka ah iyo hay’addo caalami ah waxaana ka mid ah Agaasimaha guud ee Hay’adda caafimaadka adduunka Dr. Tedros oo ka jeediyay khudbad taabanaysay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga waddamada si sare loogu qaado bad-qabka bulshooyinka caalamka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here