40 tahriibeyaal ah oo lagu la’yahay xeebaha dalka Talyaaniga

0

ROME (SMN) – In ka badan 40 qof ayaa la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

 

Musiibadan ayaa Khamiistii dhacday, waxaana ugu yaraan hal cunug oo dhawaan dhashay uu ka mid yahay dadka la la’yahay, sida uu sheegay wakiilka UNHCR ee Talyaaniga Chiara Cardoletti.

Markabkan oo ka soo ambabaxay magaalada Sfax ee dalka Tunisia ayaa waxaa la socday 46 muhaajiriin ah oo u kala dhashay dalalka Cameroon, Burkina Faso iyo Ivory Coast, sida uu qaxiijiyay Flavio Di Giacomo, oo ah afhayeenka hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

Doonta ayaa ku rogmatay dabeylo xooggan iyo mowjado aad u sarreeya, ayuu yiri. “Qaar ka mid ah kuwa badbaaday ayaa loo qaaday Lampedusa kuwa kalena waxaa lagu soo celiyay Tunisia”.

“Dadka la la’yahay waxaa ku jiray toddobo dumar ah iyo qof aan qaan-gaarin, dadka badbaaday ayaa dhamaantood ah rag qaangaar ah,” ayuu raaciyay.

VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here