Ciidamadii ugu badnaa oo ka soo baxay jiida hore ee dagaalka Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka ay isaga soo baxeen jiida hore ee dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay soo faarujiyeen difaacyadii ay ku jireen, isla-markaana ay gaareen duleedka magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Illaa 35 gaadiid ayay wateen ciidamadan oo isugu jiro kuwa SSC iyo Daraawiishta Puntland, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada ka yimid aagga Laascaanood ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen duleedka magaalada Garoowe oo ay haatan ka taagan tahay xiisad kale oo u dhexeyso xukuumadda Saciid Deni iyo xubnaha mucaadka Puntland.

Arrintan ayaa uga sii dareysa dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee haatan ka jira magaalada Garoowe oo ay maalmo ka horĀ  ku dagaalameen labada dhinac, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inkastoo ay socdaan dadaallo nabadeed oo lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac, hadane waxaa barbar socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ka socda caasimadda dowlad goboleedka Puntland ee Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here