Shirka golaha wada-tashiga qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta oo sabti ah si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulankan oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble waxaa lagaga hadli doonaa diyaar-garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda Muqdisho ku soo wajahan madaxweynayaasha Puntland & HirShabelle, halka hoggaamiyeyaasha kale ay ku sugan yihiin caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here