Aqriso: Madaxweynaha Puntland oo magacaabay agaasimeyaal cusub

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 24 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Wuxuu xeeriyey:

  1. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland

1.1. Waxaa Faysal Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada Amniga Puntland.

1.2. Waxaa Cabdulqaadir Cali Suleymaan   loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga   ee Wasaarada Amniga Puntland.

1.3. Waxaa Cabdixakiin Cabdile Guuleed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta  ee Wasaarada Amniga Puntland.

1.4. Waxaa Jaamac Maxamed Yuusuf  loo magacaabay Agaasimaha Waaxda DDR-ta ee Wasaarada Amniga Puntland

1.5. Waxaa Maxamed Muuse Jaamac   loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Miinada  ee Wasaarada Amniga Puntland

  1. Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland

2.1. Waxaa Cabdullaahi Ciise Cumar (Rabiile)  loo magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda  ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland

2.2. Waxaa Sharmaarke Cabdullaahi Ducaale  loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland

2.3. Waxaa Aadan Caabi Samatar loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha  ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland

2.4. Waxaa Saadiq Cabdullaahi Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Fidinta Adeegyada Caafimaadk Xoolaha  ee Wasaarada Xanaanada XoolahaPuntland

2.5. Waxaa Maxamed Fu’aad Warsame loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tababarada  ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland

2.6. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamed Muuse  loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Wax soo saarka Xoolaha  ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland

  1. Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta Puntland.

3.1. Waxaa Cabdirisaaq Jaamac Nuur loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta Puntland.

  1. Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha

4.1. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here