Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabadda dhaarinta iyo xil wareejinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu xalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.
Wasiirka Caddaaladda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.