Wasiirka cusub ee wasaaradda amniga oo maanta xilka la wareegay

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabadda dhaarinta iyo xil wareejinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha  Cabdullaahi Maxamed Nuur oo  uu xalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiirka Caddaaladda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub.

Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu  si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here