Maraykanka oo ergey cusub u soo magaacabay Geeska afrika

0

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa u magacaabay Jeffrey Feltman, inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika.

Blinken ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri โ€œ Magacaabistan waxay hoosta ka xariiqeysaa sida ay maamulkayaga uga goโ€™an tahay inuu hoggaamiyo deddaallo diblomaasiyadeed oo caalami ah oo wax looga qabanayo xasaraddaha xiriirsan ee siyaasadda, amniga iyo baniโ€™aadannimada ee Geeska Afrika.โ€

Feltman ayaa ah masuul xilal kala duwan kasoo qabtay Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Qaramada, iyadoo lagu tiriyo Dadka khibradda fiican u leh Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.La wadaag cid kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here