BOOSAASO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu markale dagaal dib uga qarxay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaas, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta ee isla maamulkaasi.
Dagaalka ayaa haatan xoogiisa waxa uu ka socda aagga xerada ciidamada PSF, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub noocyo kala duwan leh.
Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dagaalka uu galay maalintiisii labaad, iyada oo shalay ay ku dhinteen illaa 10 qof, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

