Wasiirka gaashaandhigga oo amray in baaris lagu sameeyo eedeyntii Rooble

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa amar ku bixiyey in baaris dheeraad ah lagu sameeyo boobka la sheegay in lagu hayo dhul ay leeyihiin ciidamada badda Soomaaliya.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka ayaa waxaa lagu faray taliyaha ciidamada Xoogga dalka inuu qaado tallaabo deg-deg ah oo sharciga waafaqsan.

“Waxaa warbaahinta lagu faafiyey muuqaalo la sheegay in laga soo duubay Taliyaha ciidamada Badda kaasoo ku eedeenayo madaxda Qaranka oo uu Ra’isulwasaaraha kamid yahay inay ku lug leeyihiin dhulka Ciidanka Badda ee loo adeegsaday arrimo shaqsiyadeed, waxaa lagu farayaa taliye inaad baaritaan deg deg ah ku sameysid arrintaan, sidoo kalana aad ka qaadatid tallaabo waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerka ciidanka Xoogga dalka,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo dhowaan taliyaha ciidamada badda oo la hadlay warbaahinta uu ku eedeeyey R/W Rooble inuu boob ku hayo dhulka ciidamadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here