Wararkii ugu dambeeyey dagaal saaka dib uga qarxay magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu markale dagaal dib uga qarxay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaas, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta ee isla maamulkaasi.

Dagaalka ayaa haatan xoogiisa waxa uu ka socda aagga xerada ciidamada PSF, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub noocyo kala duwan leh.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dagaalka uu galay maalintiisii labaad, iyada oo shalay ay ku dhinteen illaa 10 qof, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here