Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo qarax lagula eegtay Lamu + khasaaraha

0

LAMU (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaan ka tirsan gobolka Xeebta Lamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay mid ka mid ah kolonyo ay wateen ciidamada Kenya oo ku socdaalayey halkaasi.

Al-Shabaab ayaa shaacisay inay qaraxaasi iyadu fulisay, kuna dishay illaa 15 askari oo Kenyaan ahaa, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka dowladda dalka Kenya oo ku aadan qaraxaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here