MUQDISHO (SMN) -Wariyeyaal madax banaan oo uu hoggaaminayey agaasimaha Five Tv Aweys Jilacow iyo howlwadeeno ka tirsan Telefishinka Soomaali Cable ayey ciidamadda Booliska, gaar ahaan kuwa Haramcad u geysteen jirdil iyo xarig.
Wariyeyaashan ayaa tabin u tegay degmadda Kaxda, si ay halkaas kaga soo wariyaan weerarkii xalay ka dhacay halkaasi.
Ciidamada Haramcad ayaa jirdil u geystay Wariyayaashaan, xili ay ku guda jireen howlahooda shaqo, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey sawirradooda, iyaga oo bogga dhulka loo dhigay, kadibna indhaha laga xiray.
Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi oo ay si weyn u cambaareeyeen bahda warbaahinta Soomaaliyeed.