Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Soomaalida ku xaniban dalka Ukraine

0

KYIV (SMN) – Qaar ka mid ah Soomaalida waxbarashada u joogay dalka Ukraine ayey weli caqabad ka haysataa sidii ay uga bixi lahaayeen dalkaasi iyagoo ka cabsi qaba in colaaddu soo gaarto magaalooyinka ay ku nool yihiin.

Cabdiraxmaan Xasan oo ka mid ah ardayda Soomaalida ee wax ka baraneysay Ukraine ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxibadii ay ka baxsadeen dalka oo ay u talaabeen dalka dariska ah ee Poland.

Waxa uu sheegay in haatan isaga uu ku sugan yahay dalka Ukraine, isla-markaana ay weli suurtagali la’ dahay inuu ka baxo dalkaasi.

Ukraine ayaa waxaa ka socda dagaallo qaraar oo u dhexeeyo ciidamada dalkaasi iyo kuwa Ruushka ee duulaanka qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here