Ciidamada Booliska oo howl-gal ballaaran ka sameeyey degmada Xamarjajab

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Howl-galka ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid lagula dagaalamayey maan dooriyaha, waxayna ciidamadu kusoo qabteen haweeney 80 sano jir ah oo iibaneysay Xashiish.

Maamulka degmada Xamarjajab iyo saraakiisha ammaanka ee degmadaas ayaa sheegay inay howl-galladu sii socon doonaan, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga deegaanka.

Maalmihii u dambeeyey maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya ciidamada Booliska ayaa xoojiyey howl-gallada lagula dagaalamayo maan dooriyaha & dadka ka ganacsada.

 Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here