Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo ka dhaceysa Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) -Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka dhacdo doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee xildhibaanada deegaan doorashadooda ay tahay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddiga hirgilinta doorashooyinka Hirshabeelle ayaa shahaadada murashaxnimo guddoonsiiyay dhammaan musharaxiinta u sharaxan kursiga Hop#058.

Sidoo kale ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay amniga guud ee magaalada Beledweyne, gaar ahaan goobta ay doorashada ka dhaceyso.

HirShabelle ayaa haatan dadajineysa doorashada Baarlamaanka, maadaama lasoo dhaafay xilligii lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo oo aheyd 15-kii March ee sanadkan 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here