Qoor Qoor oo la kulmay xildhibaanada lagu soo doortay Galmudug + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Maxadaxwaynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa kulan guud la qaatay xildhibaanada cusub ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhawaan lagu doortay Galmudug.

Kulankan, ayaa daba socday kulamo dhowr ah oo maalmihii u danbeeyay madaxweynuhu la yeeshay xildhibaanada, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, madaxweynaha Galmudug ayaa kula dardaarmay xildhibaanada cusub ee Galmudug in ay ka shaqeeyaan danta ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan in ay si dhow uga warqabaan xaaladda shacabka ay matalaan ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here