MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).
Cabdi Xaashi ayaa taliyeyaasha kala hadlay adkaynta sugidda Amniga Doorashada iyo midka guud ee Dalka.