Midowga Afrika oo taageeray dood guud oo ku saabsan socdaalka, halkii si gaar ah looga hadli lahaa Koonfur Afrika

0

Addis ababa – Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Midowga Afrika (AU) uu taageeray in dood ballaaran laga yeesho arrimaha socdaalka iyo tahriibka ee qaaradda, halkii si gaar ah looga hadli lahaa rabshadaha nacaybka ajaanibta ee ka dhacay Koonfur Afrika.

 

Arrintan ayaa timid kadib markii Ghana ay soo jeedisay in weerarrada iyo rabshadaha lagula kacay muhaajiriinta ee Koonfur Afrika lagu daro ajandaha shirka soo socda ee Midowga Afrika. Ghana ayaa ka mid ahayd dalalka sida weyn u cambaareeyay weerarrada lagu beegsaday ajaanibta Afrikaanka ah ee ku nool Koonfur Afrika.

Clayson Monyela, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay in Pretoria ay ka hortagtay isku day lagu doonayay in dalka si gaar ah loogu go’doomiyo arrintan. Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu doorbiday in si guud looga doodo arrimaha socdaalka, iyadoo la eegayo sababaha dadka ku riixa inay ka haajiraan dalalkooda (push factors) iyo waxyaabaha u soo jiida dalalka ay u guurayaan (pull factors).

Bilihii la soo dhaafay, Koonfur Afrika waxaa ka dhacay dibadbaxyo iyo rabshado ka dhan ah muhaajiriinta, kuwaas oo sababay walaac ka dhex dhashay dalal badan oo Afrika ah. Dowladda Ghana ayaa xitaa dib u celisay boqolaal muwaadiniinteeda ah ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee ay kooxaha ka soo horjeeda muhaajiriintu u qabteen ajaanibta aan haysan sharciyadda deggenaanshaha inay dalka uga baxaan.

Sida ay warbaahinta maxalliga ahi sheegtay, Midowga Afrika ma uusan aqbalin soo jeedintii Ghana ee ahayd in rabshadaha nacaybka ajaanibta ee Koonfur Afrika looga hadlo ajande gaar ah inta lagu guda jiro shirkii isku-dubaridka ee bartamihii sannadka.

Ilaa hadda, Wasaaradda Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga ee Koonfur Afrika iyo dowladda Ghana midna si rasmi ah ugama aysan hadlin wararka la xiriira go’aanka Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here