MUQDISHO (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa markale ka hadashay weerar dhanka cirka ahaa oo horraantii todobaadkan ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe, kaasi oo lagu beegsaday hoggaamiye ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Taliska Mareykanka ee Africom, ayaa sheegay in hal hoggaamiye oo ka tirsan Al Shabaab ay ku dhaawaceen duqeyn ay ka fuliyeen Degmada Jilib oo qiyaas ahaan 385 km dhanka koonfur galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.
Duqeyntan ayuu Taliska Africom tilmaamay in wax khasaaro dhimasho ama dhaawac aysan ka soo gaaray Shacabka ku dhaqan Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.
Dhinaca kale, qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Somaaliya, ayaa lagu sheegay in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada Caalamka lagu dhaawacay hoggaamiye magaciisa ay ku sheegeen Cusmaan Maxamed Cabdi, kaasi oo loo yaqaan Macalin Cismaan.
Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu xusay in duqeynta lagu dhuftay guri uu ku dhuumaaleysanayay Macalin Cismaan, kaasi oo sida la sheegay Ururka Al Shabaab u qaabilsan in dalka uu soo geliyo ajaaniibta ka dhinac ka dagaalanta Al Shabaab.
Macalin Cismaan ayaa ka mid saraakiisha ugu saameynta badan ee Al Shabaab, waxaana uu qabtay xalal kala duwan, isagoona mar soo noqday madaxii gaashaandhigga Ururka Al Shabaab, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan Dowladda oo codsaday in magaciisan aan loo adeegsan warbaahinta.
Sidoo kale, Macalin Cismaan ayaa la aaminsan yahay uu ku lug lahaa qorsheynta weerarkii ay Al-Shabaab bishii January ee sanadkii 2016-kii ku qaadeen saldhig ciidanka Kenya ay ku la haayeen Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo, kaasi oo ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo lagu beegsado Ciidanka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.
Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda ayaa baahisay in weerarkii Ceel-cadde lagu dilay in ka badan 140-askari oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda Kenya, halka kuwa kalena nolosha lagu watay, inkastoo Dowladda Kenya aysan si faah faahsan uga hadlin khasaaraha ka soo gaaray ciidankooda weerarkaasi.
Illaa iyo hadda majirto wax hadal ah ooka soo baxay Ururka Al Shabaab oo ku aadan in mid ka mid ah hoggaamiyeyaashooda lagu dhaawacay duqeyn ka dhacday Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.
Balse weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad uu kulamo ka wado Magaallooyinka Washington iyo New Yorka ee dalka Mareykanka.
Agaasime Mahad Salaad uu kalamo khuseeya arrimaha ammaanka iyo la dagaallanka Al Shabaab wuxuu la yeeshay Saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Hay’addaha sirdoonka Mareykanka sida CIA iyo FBI.
Si-kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu bilaabayo howlgallada wajiga labaad, kuwaasi oo xoogga lagu saari doono degaannada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Gobollada Jubbooyinka oo weli ay ku xoogan yihiin Ururka Al Shabaab.