Aqalka Sare oo ka dooday qorshe-howleedka Kalfadhiga 8-aad

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cali Shacbaan Ibraahim, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare, kaas oo looga hadlay qorshe-howleedka Golaha iyo guddiyadiisa ee Kalfadhiga 8-aad.

 

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah u soo bandhigay qorshe-howleedka Golaha, sharciyada soo gaaray Aqalka Sare iyo hindise-sharciyeedyada weli sugaya dhammaystirka habraacyada akhrisyada ka dhiman, si xildhibaannadu u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Intii uu socday kulanka, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa si qoto dheer uga dooday ajandaha, iyagoo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan horumarinta hannaanka shaqo ee Golaha iyo guddiyadiisa inta lagu jiro Kalfadhiga 8-aad.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa markii uu soo xirayay kulanka uga mahadceliyay xubnaha guddiga talooyinka iyo doodihii wax-ku-oolka ahaa ee ay soo bandhigeen, kuwaas oo uu sheegay inay gacan ka geysanayaan horumarinta shaqada Golaha iyo xoojinta doorka kormeerka.

Wuxuu sidoo kale ku booriyay xubnaha Guddiga Joogtada ah inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo adeegga ay u hayaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here