Kooxo hubeysan oo xalay ganacsade ku dilay degmada Dharkenley

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

 

Dilka oo ka dhacay xaafadda Mac-macaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay marxuum Daahir Xuseen Macamuud oo la sheegay inuu ahaa ganacsade.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen, waxaana goor dambe meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidanka amniga oo baaritaano sameeyay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay marxuumka oo ahaa wiil dhalinyar ahaa, sidoo kalena dhowaan ka qalin-jebiyay jaamacad.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa ahayd mid deggan, waxaana howlgallo amni xaqiijin ah ka waday ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here