ATMIS oo sheegtay inay ka aargudatay Al-Shabaab kadib weerarkii Buulo-Mareer

0

BUULO-MAREER (SMN) – Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu faah-faahiyay howlgal ay si wadajir ah u qaadeen ciidamadooda iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, kuaas oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

 

ATMIS ayaa shaaca ka qaaday inay kasoo aargudatay Al-Shabaab, isla-markaana ay ka daba-tegtay dagaalyahanadii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Buulo-Mareer.

Sidoo kale ATMIS ayaa intaasi ku dartay inay dishay xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay kasoo furatay hubkii ay ka qaaten xeradooda.

“Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay in ay ka daba tagaan argagixisada Al-Shabaab ee baxsadka ah ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada ATMIS ee Buulo Mareer, iyagoo cagta mariyay tiro aad u badan oo argagixisadu ka mid ah. Ciidamada wadajirka ah ayaa sidoo kale soo furtay hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Mareer” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidanka ATMIS.

Howlgalka ATMIS ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

“ATMIS waxa weli ka go’an la dagaalanka argagixisada, waxayna sii wadi doontaa in ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubnaha ka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo sugo amniga Soomaaliya.” ayaa markale lagu yiri warka.

Si kastaba, weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhigga ATMIS ee Buulo-Mareer ayaa dhaliyay khasaare xoogan, waxaana Shabaab ay sheegtay inay ku dishay 137 askari.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here