BARAAWE (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Maamulka Gobolka, Ururka Haweenka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan bulshada rayidka ah.
Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa Kulamo la qaadanaya Maamulka, saraakiisha ciidanka iyo Bulshada Reer Baraawe.
Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah haatan lagu arkayo gudaha magaaladaas oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-