MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerar ay Al-Shabaab saaka ku qaadeen deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.
Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas oo qaraxyo ku billowday ay ka hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan halkaasi.
Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay illaa 30 ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna qabtay saddex baabuur oo ay wateen xubnaha weerarka soo qaaday.
“Inta uu socday hawlgalka fashilintu waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii soo duulaanka tagtay kuwaas oo ay ka carareen maydadkooda, sidoo kale Ciidamada Qaranku waxa ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen Khawaarijtu iyagoo gubay mid kale” ayaa lagu yiri.
Halkan hoose ka aqriso:-