MUQDISHO (SMN) – Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60aad Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.
General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa beddalaya Odawaa Yuusuf Raage oo horay xilkan usoo hayay, kaas oo ah sarkaal dhalinyaro ah oo lasoo shaqeeyay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay dalka ka socdaan howlagllo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo haatan galaya wajigiisa labaad.