Bissau – Dowladda Guinea-Bissau ayaa si cad u beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood oo sheegayay in ay qorsheynayso inay aqoonsato Somaliland.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay 26-kii Luulyo 2026 soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha ee Guinea-Bissau ayaa lagu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana uusan jirin qorshe, wada-hadal ama hannaan rasmi ah oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Wasaaraddu waxay caddeysay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Guinea-Bissau ay ku saleysan tahay ixtiraamka sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika iyo mabda’a dhowrista madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in dhammaan go’aannada la xiriira siyaasadda dibadda lagu shaaciyo oo keliya warbaahinta iyo kanaallada rasmiga ah ee dowladda, iyadoo shacabka iyo warbaahinta ugu baaqday inay ka feejignaadaan wararka aan laga soo xigan ilaha rasmiga ah.
Wararka la beeniyay ayaa maalmahan si weyn ugu faafay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in Guinea-Bissau ay ku wajahan tahay aqoonsiga Somaliland. Hase yeeshee, dowladda dalkaasi ayaa si rasmi ah u caddeysay in sheegashooyinkaasi ay yihiin kuwo aan sal lahayn, isla markaana aysan jirin wax tallaabo ah oo ay qaaday oo arrintaas la xiriirta.
Bayaankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo taageerada caalamiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo dalal badan oo Afrika ah ay weli ku adkeysanayaan mabda’a Midowga Afrika ee ilaalinta xuduudaha iyo madaxbannaanida dowladaha xubnaha ka ah.



