Shir u dhexeeyo DF iyo Beesha Caalamka oo ka furmay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayo xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey Al-Shabaab.

 

Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-guri doonaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.

Mudane Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray Al-Shabaab oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo xasillinta dalka ay yihiin arrimaha hortebinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibada caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here