MUQDISHO (SMN) – Xeer ilaalinta qaranka ayaa maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeysay illaa saddex sarkaal oo loo heysto xatooyo xoolo dadweyne.
Saraakiisha lasoo xiray ayaa laba ka mid ah waxay ka tirsan yihiin wasaaradda warfaafinta, halka sarkaalka kalena uu ka tirsan yahay ciidanka ilaalada madaxtooyada.
Xeer ilaaliyaha guu eed qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay kiiska loo haysto saddexda eedeysane ee la horgeeyay maxkamadda, kadib qoraal uu soo saaray.
“Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa maantay u gubdiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir eedda laba sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, gaar ahaan waaxda farsamada iyo sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ilaalada Madaxtooyada Qaranka, kuwaas oo kuwada eedeysan Musuqmaaqsuq iyo Xatooyo Xoolo Dadweyne” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu ka dalbaday Maxkamadda Gobolka Banaadir in sida ugu dhaqsiyaha badan ay guda gasho kiiska musuqa ee loo heysto saddexda eedeysane.
Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir sidan oo kale loo horgeeyay sarkaal ka tirsan hoggaanka ilaalada canshuuraha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas si gaar ah uga howl-gali jiray laanta dhexe ee ilaalinta canshuuraha bariga, wuxuuna ahaa Taliyaha ciidanka ilaalada xafiiska Canshuuraha bariga ee degmada Warta-Nabadda.