Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle oo kulamo ka wada Beledweyne + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Mudane Yuusuf Dabageed oo haatan ku sugan Beledweyne ayaa kulan isugu yeeray saraakiisha ATMIS iyo kuwa Booliska ee magaaladaasi.

 

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Sufurow, ayada oo looga hadlay ammaanka magaalada Beledweyne.

Dabageed ayaa si gaar ah saraakiisha ATMIS iyo kuwa Booliska HirShabelle ugala hadlay inay xoojiyaan amniga magaaladaas oo ay weli ka taagan xiisad xoogan.

Xiisadda ayaa ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cali Jayte, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gudaha magaaladaasi.

Beleweyne ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay khilaafaad dhanka maamulka ah, ayada oo haatan laga digayo in gacan ka hadal uu ka dhasho xiisadda ka taagan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here