Kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya oo buuq ku soo dhamaaday + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kadib markii uu buuq xoogan hareeyay fadhiga guud ee Baarlamaanka.

 

Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii ay xildhibaanadu isku khilaafeen ajendaha maanta oo ahaa la xisaabtanka xukuumadda, waxaana goobjooga ahaa wasiirka amniga gudaha.

Illaa 30 xildhibaan ayaa mooshin keenay Golaha, kuwaas oo dalbaday in lagu soo daro ajende kale oo ku aadan la xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa arrintaas ka dhalatay dood xoogan, taas oo saacado badan qaadatay, waxayna kadib keentay in kulanka lasoo xiro natiijo la’aan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa cod kaliya in hadda laga doodo ajendaha khilaafka dhaliyay ama in dib loo dhigo, waxaana loo codeeyay in la baajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here