Agaasime cusub oo loo magacaabay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

0

MUQDISHO (SMN) -Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda federaalka ayaa maanta Agaasime KMG ah u magacaabay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

 

Wasiir Maxamed Cali Doodishe ayaa xilkan u magacaabay Mudane Axmed Siciid Maxamed oo ah wiil dhalinyaro ah.

Sidoo kale hay’adaha dowladda ee ay quseyso magacaabistan ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan  Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Si kastaba, Tallaabadan ayaa timid kadib markii agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu sheegay inuu xilkaas iska casilay, isaga oo dalka ka maqan kadib markii lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here