Mas’uul ka tirsanaa Somaliland iyo ciidamo uu watay oo ku biiray SSC

0

LAASCAANOOD (SMN) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Sool, Cabdiqani Jiidhe ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan uu isaga baxay Somaliland, sababo la xiriira dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood.

 

Cabdiqani oo wata ciidamo fara badan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay duleedka magaalada, halkaas oo uu kula hadlay warbaahinta, wuxuuna cafis weydiistay guud ahaan dadka deegaanka ee SSC-Khaatuma.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu u adkeysan waayay duqeymaha lagu hayo dadkiisa, maadaama ay weli ciidamada Somaliland madaafiic ku garaacayaan gudaha Laascaanood.

Go’aanka uu guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Sool uga soo baxay Somaliland ayaa ku soo aadayo, ayada oo Sabtidii shalay dagaal qaraar uu ka dhacay duleedka bari ee magaalada Laascaanood, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here