Ciidamada DF oo gacanta ku soo dhigay haweeney dil ka geysatay Gedo

0

BELEDXAAWO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ku soo qabteen haweeney dil argagax leh ka geysatay qaybo ka mid ah gobolka Gedo, taas oo markii hore goobta ka baxsatay.

 

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii haweeneyda oo ku hubeysneyd mindi ay haweeney kale ku dishay deegaanka Oodan oo hoostaga degmada Beledxaawo.

Marxuumadda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nasro Cabduqaadir Maxamed, ayada oo haatan maydkeeda la geeyay isbitaal ku yaalla magaaladaasi.

Dilka ka hor ayaa la sheegay inuu murmeen marxuumadda iyo haweeneyda dilka geysatay, waxayna sidoo kale ahaayeen dad daris ah.

Saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in haweeneyda eedeysan ay ku jirto gacantooda, isla-markaana la horgeyn doono cadaaladda.

Falkan argagaxa leh ayaa walaac ku abuuray dadka deegaanka oo aad uga naxay, waxaa sidoo kale dhacdadaan aad looga hadlay magaalada Beledxaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here