Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay odayaasha dhaqanka si loo xoojiyo dib u heshiisiinta bulshada

0

Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray doorka ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta nabadda iyo xoojinta dowlad-dhiska.

 

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka, iyadoo la isku raacay in odayaasha dhaqanku ay laf-dhabar u yihiin xallinta khilaafaadka, mideynta bulshada iyo dhiirrigelinta wada noolaanshaha shacabka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka kaalinta ay ka qaataan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed. Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay muhiimad gaar ah siinayso talada iyo waaya-aragnimada odayaasha, maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee ku saleysan wada-tashiga iyo kalsoonida shacabka.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyay in Dowladda Koonfur Galbeed ay sii xoojin doonto iskaashiga ay la leedahay odayaasha dhaqanka si loo dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, dowladnimo adag iyo horumar loo siman yahay.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga, dib u heshiisiinta iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxay caddeeyeen inay ka go’an tahay inay dowladda kala shaqeeyaan xallinta khilaafaadka, mideynta bulshada iyo hirgelinta qorshayaasha lagu xoojinayo dowladnimada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Wasiirrada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here