Maxkamadda CQS oo xukun adag ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Darjada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yuusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab.

 

Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka ninkan oo ay horay usoo qabteen ciidanka Booliska.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan uu Al-Shabaab kaga biiray Buur-Eylo oo ka tirsan degmada Buur-Hakabe ee Gobolka Baay, balse waxa uu xiliyadii u dambeeysay uu daganaa Ceeltimir, degmada Dayniile si uu Muqdisho uga geysto dilal iyo Qaraxyo

Ciidanka amniga ayaa 14-May ee sanadkan gacanta ku soo dhigay ninkan, isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here