Diyaaradaha dagaalka Kenya oo markale duqeyn ka fuliyay gobolka Gedo

0

CEELWAAQ (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo ay markale diyaaradaha dagaalka Kenya xalay ka gaysteen qaybo ka mid ah gobolka Gedo.

 

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa lagu waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay deegaanka Faxfax-dhuun iyo tuulooyinka ku hareereysan.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, balse ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo oo ku aadan duqeyntaas ay markale gobolka ka fuliyeen diyaaradaha Kenya.

Waa markii labaad oo ay bishan gudaheeda dowladda Kenya ay duqeyn dhanka cirka ah ka fulineyso gobolka Gedo, taas oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah.

Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamo badan ay ka joogaan deegaanada Jubbaland, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here