DF oo faah-faahin ka bixisay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Aadan Cadde

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in hal ruux uu dhaawac ka soo gaaray shil diyaaradeed oo Garoonka Aadan Cadde ka dhaca.

 

Wasiirka ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka aysan saarneyn diyaaradda ku dhacday garoonka Muqdisho.

[11/07, 1:15 pm] AB: Diyaarada ay leedahay Shirkadda Hala Airline oo Rakaab kasoo qaaday magaalada Garoowe ayaa ku dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde, sida ay Warbaahinta  u xaqiijisay Wasiirka Duulista iyo Hawada XFS Fardowsa Cusmaan Cigaal.

“Diyaaradda Hala ayaa markay soo caga dhigatay Rainway 05 ayay ka baxday laamiga dhinaca Civil aviation-ka ayay ku dhacday oo afka la gashay, dadkuna waa fiican yihiin, hal qof baa dhaawac ah oo meel ka jaban, laakiin dadka intooda kale waa fiican yihiin, Iinsha Allaah warbixin kalena waa ka heli doonnaa siday wax u dhaceen waa ogaan doonnaa, maareeyaha iyo kooxdiisii ayaana ku maqan”

Wasiirka ayaa sheegtay in Diyaaraddan anay la socon Ra’iisulwasaareyaashii hore dalka Cumar Cabdirashiid Cali iyo Cabdiweli Cali Gaas, balse ay la socdaan diyaarad kale oo ay leedahay isla shirkadda Hala Airline.

Shilkan ayaa sababay dhaawaca hal qof oo shacab ah, waxana si nabdoon looga samata bixiyey dhammaan Rakaabkii kale ee la socday Diyaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here