Sawirro: Adeegga baasaboorka oo la gaarsiiyey Soomaalida ku nool Ireland

0

MUQDISHO (SMN) – Soomaalida ku dhaqan wadanka Jamhuuriyadda Ireland ayaa soo dhaweysay adeegga dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiisay ee baasaboorada iyo waraaqaha Aqoonsiga.

 

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ireland Xaaji Axmed Gadaf ayaa Dowladda Soomaaliya, Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Biljamka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee Adeega Baasaboorka ay usoo gaarsiiyeen Somalida ku dhaqan Ireland oo baahi aad u daran u qabay in ay helaan Baasaboor Soomaaliga waraaqda dhalashada iyo dhamaan document-yada Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in marar badan ay qeylo dhaan u diray dowladda Soomaaliya maadaama dadka ku dhaqan Ireland ay aad ugu baahnaayeen helidda waraaqha aqoonsiga, wuxuuna u mahad celiyay wasaaradda Arimaha dibadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Biljamka.

“Waxaan aad ugu mahad celineynaa Safiir Yoonis Yaasiin Xaashi (Oogacadde)sida Soomaalinimada leh walaaltinimada leh ee dadkii ku dhibaateysnaa Ireland uu usoo gaarsiiyay adeega baasaboorka iyo waraaqaha Aqoonsiga” ayuu yiri Xaaji Axmed Gadaf oo sheegay In mudadii uu joogay Yoonis uu wax badan u qabtay dad baahi u qabay helidda aqoonsiga Soomaaliga

Sidoo kale Sheekh Cabdi risaaq Daahir oo ah Imaamka Masaajidka weyn ee Dublin Mosque ayaa u mahad celiyay Safiir Yoonis wuxuuna sheegay in adeegaan ay dad badan ka faa’iideysan doonaan.

Arintaan ayaa kusoo aaday iyadoo dhawaan wadanka Ireland ay soo gaareen Safiirka Somaliya u fadhiyo Biljamka Yoonis Yaasiin Xaashi (oogacadde)iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Safaaradda isla markaana ay balan qaadeen in haatan wixii ka dambeeya Somalida Ireland Baasaboorka loogu sameyn doono Magaalada Dublin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here