MUQDISHO (SMN) – Xubnaha mucaaradka ayaa xalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ballaaran oo hordhac u ahaa shirka maanta ka furmaya xarunta Villa Soomaaliya.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweyne horeShariif Sheiikh Axmed, Guddoomiye hore Shariif Xasan Shiikh Aden, R/W hore Abdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W hore Omar Abdirashid, R/W Xasan Cali khayre, R/W xigeen hore Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir hore Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo Xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.
Sheekh Shariif oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay kulankooda, wuxuuna sheegay inay ka arrinsadeen shirka ay maanta la leeyihiin madaxda dowladda Soomaaliya.
“Waxaa caawa isugu nimid kulan wadatashi ah oo looga arrinsanaayo shirka berrito ka dhici doona magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Shariif.
Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama uu isagu dhigay gogosha shirkan oo looga arrinsan doono xaaladda guud ee dalka.
“Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha DFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo gogosha fidiyey.Waxaan rajeyneneenaa in kulanku uu noqdo mid miradhal ah.” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, shirka ayaa waxaa lagu wadaa inuu goordhow ka furmo xarunta Villa Soomaaliya, wuxuuna ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka.