Shirka u dhexeeya madaxda DFS iyo kuwii hore oo galay maalintii labaad

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda shir wadatashi ah oo u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo galay maalintii labaad.

 

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay maanta ku biireen ra’iisul wasaare Xamza iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa dhammeystirka dastuurka KMG ah, doorashooyinka dalka, ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in maanta madaxdu ay ka doodi doonaan muddo xileedka madaxweynaha iyo madax goboleedyada oo ah arrinta ugu adag ee taagan.

Halkan hoose ka daawo wararkii ugu dambeeyay:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here