Villa Somalia oo faahfaahin ka bixisay shirka ka socda Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirka Wada-tashiga madaxda qaranka iyo madaxdii hore ee dalka oo maanta galay maalintiisii labaad.

 

Kulanka maanta waxaa ka qayb-galaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xamze Cabdi Barre.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa dhammeystirka dastuurka KMG ah, doorashooyinka dalka, ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in maanta madaxdu ay ka doodi doonaan muddo xileedka madaxweynaha iyo madax goboleedyada oo ah arrinta ugu adag ee taagan.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhowaan gaareen Golaha Wadatashiga.

Halkan hoose daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here