LUUQ (SMN) – Madaxweyne ku xigeebka 1-aad ee maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Sayid Aadan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmadaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil ciidan iyo qaybaha bulshada.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa Luuq u tegay dhameystirka dadaallada ay Jubbaland kula wareegeyso gacanta gobolka Gedo oo muddo dheer la’isku hayay.
Sidoo kale wuxuu gaari doonaa degmooyinka kale ee gobolka, isaga oo la kulmi doono odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka.
Gedo ayaa haatan soo gashay gacanta Jubbaland, waxaana inta badan maamullada degmooyinka ay taageereen maamulka uu Axmed Madoobe u magacaabay gobolkaasi.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-