BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaabilay Ergeyga Madaxweynaha Jamhuuriyada uqaabilsan Wada-Hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland Mudane Abdikariin Husein Guled oo maanta Baydhabo soo gaaray.
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled iyo Madaxweyne Laftagareen ayaa ka wada hadlay hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo dhaweeyay dadaalada Xafiiska Ergayga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Ergayga ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshahiisa.
Halkan hoose ka daawo Sawirro:-