Taliska Hiiraan oo farageliyay gadood ay sameeyeen ciidamo ka tirsan Booliska

0

BELEDWEYNE (SMN) – Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Hiiraan Korneel Isaaq Cali Cabdulle oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay gadood ay maalmo ka hor sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska ee ka howlgala magaalada Beledweyne.

 

Korneelka ayaa shaaaca ka qaaday inay xalliyeen tabashada ciidamadaas oo ka cabanayay mushaaraad ka maqan afar bilood, wuxuuna intaasi ku daray in xaaladdu ay dagan tahay.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday jidgooyooyin lagu dhibaateeyo shacabka oo weli yaalla gobolka Hiiraan, isaga oo xusay inay wax ka qaban doonaan arrintaasi.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka deegaanka, isaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada.

Hiiraan oo ay weli ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa haddana waxaa ka jira khilaafaad dhanka maamulka oo saameyn ku yeeshay horumarkii obolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here