Guddoomiye ku xigeenkii degmada Awdheegle oo lagu dilay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho saaka ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Faqay Cabdulle Mayoow.

 

Mas’uulkan ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku dileen agagaarka isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, ayada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyay toogashada.

Maxamuud Saakow oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Awdheegle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay geerida marxuum Faqay Cabdulle Mayoow.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu daganaa magaalada Muqdisho oo uu xaas ku lahaa, sidoo kalena ay xaas kale u dagan tahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in xilliga la dilay uu kasoo baxay Salaaddii Subax, kadibna isaga oo bannaanka ku qaxweynayay lagu dilay halkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here